Axmed Madoobe iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaarey Cadaado

0
517

madoobe_

Wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa waxay gaareen Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud.

Wefdiga Madaxweynaha waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Cadaado, iyadoona daqiiqado ka dib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada, oo ay iminka ku sugan yihiin.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa waxaa uu xilligan kulan la leeyahay C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Maamulka Galmudug. Ma cadda waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa waxaa lagu wadaa in toddobaadkan uu gaaro Magaalada Boosaaso, halkaasoo uu kaga qaybgeli doono dib u furista Garoonka Boosaaso.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Qardho, ayaa saakay u amba baxay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas, ayaa waxaa Jimcaha lagu wadaa in uu dib u furo Garoonka Boosaaso, oo billihii ugu dambeeyay uu ka socday hawlo dib loogu ballaarinaayay.