Axmed Madoobe oo sheegay shirka ugu dambeeya ee go’aanka ay ku gaarayaan Madaxda Somalida inuu ka dhacayo Kismaayo

0
559

timthumb (27)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay Shirka ugu dambeeya ee go’aanka rasmiga ah looga gaarayo Marxalada looga gudbayo Siyaasada Dalka Somaliya inuu ka dhacayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Shirkii ugu dambeeyay ee Madaxda Somalida ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo, natiijadiisa waxa ay noqotay mid fashil ku dhamaado, maadaama Madaxda ay isku afgaran waayeen nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso sanadkan gudihiisa.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay Madaxda Somalida inay mar kale isugu imaan doonaan shir kale oo lagu gaari doono go’aanka ugu dambeeya, shirkaasina wuxuu tilmaamay inuu ka qabsoomi doono Magaalada Kismaayo.

Wuxuu tusaale u soo qaatay shirarkii Garowe 1 iyo 2 ee marxaladii Siyaasaded ee 2012-ka looga gudbay, isaga oo sheegay Kismaayana inay noqon doonto meesha looga gudbayo Marxalada Siyaasadeed ee sanadkaan.

Inkastoo shirkii ka dhacay Magaalada Kismaayo lagu soo kala dareeray oo natiijo la’aan awgeed halkaasi looga soo tagay, ayaa hadana Madaxda ay sheegeen in shir kale la isugu imaan doono oo go’an lagu gaari doono.

Beesha caalamka iyo Bulshada Somalida ayaa indhaha ku haya waxa ay isla garan doonaan Madaxda Somalida, maadaama laga doonaayo inay go’aan rasmi ah gaaraan, xilli isbedel Siyaasadeed dalka la doonaayo inuu ka dhaco.