Daawo Sawirada:Lix Qarax oo ka dhacay Caasimada Indonesia ee Jakarta

0
691

timthumb (8)

Lix Qarax ayaa ka dhacay Caasimada Indonesia ee Jakarta, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira.

Mid ka mid ah Qaraxyada waxa uu ka dhacay Xarun mashquul badan oo lagu dukaamaysyto, halkaasi oo ay ku yaallaan Hotelo iyo Goobo lagu raaxeysto oo dadka ay isugu yimaadaan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen dhowr mayd oo waddada yaalla kaddib markii ay rasaas isweydaarsadeen boliiska iyo dabley hubaysan.

Boliisku waxay weli gudaha xaruntaasi ka raadinayaan dableyda weerarka soo qaadday.

Ciidamo badan oo Booliska ka tirsan ayaa la soo dhoobay Xarunta Dukaameysiga, waxaana la raadinayaa dableyda oo ay suuragal tahay in qaar ka tirsan ay gudaha ku jiraan.

Ilaa hada si rasmi ah looma haayo Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxyadaasi ruxay Caasimada Indonesia.

Markii ugu dambeysay ee weerar ka dhacay Jakarta waxay ahayd sanadkii 2009-ka, xilligaasi oo laba hoteel la weeraray.