Danjire Daahir Geele oo warbixin siiyey wasiirada beeraha, Shaqada, Ganacsiga, kaluumeysiga iyo Awqaafta

0
463

DaahirGeeleIyoWasiiro20160111Danjiraha Soomaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga Mudane Daahir Maxamud Geelle ayaa martiqaad hoteelka uu ka deganyahay maqaalada Muqdisho ugu sameeyey wasiirada kala ah:

1. Wasiirka Beeraha

2. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

3. Wasiirka Ganacsiga

4. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

5.  Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheraadka Badda

Danjiraha ayaa wasiirada ugu warbixiyey howlaha ay safaaradiisa ka wado gaar ahaan dhanka sii xoojinta  iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.  Wuxuu kaloo ugu warbixiyey wada hadaladii uu la yeeshey wasiiro ka tirsan dowlada Sacuudiga iyo natiijooyinka laga sugaayo iney ka soo baxaan.

Wasiirada ayaa danjire Daahir Geele ugu mahadceliyey warbixinta uu la wadaagey iyo dadaalka weyn ee ugu jiro horumarinta xiriirka iyo wada qabsiga labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. 

Wasiirada ayaa safiirka ku guubaabiye kuna dhiirigeliyey inuu sii wado howlaha baaxada weyni ee uu ka wado dalka Sacuudiga.

Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galey xoghayaha 2aad ee Safaaradda mudane Cali Nur Maalin.