Lix Gobol oo Mareykanka ka tirsan oo lagu dhawaaqay Xaalad deg deg ah in la geliyay (SAWIRRO)

0
561

timthumb (31)

Lix Gobol oo ku yaallo Bariga dalka Mareykanka ayaa lagu dhawaaqay in la geliyay Xaalad deg deg ah, xilli ay ka da’ayaan Baraf wata dabeylo oo la sheegay inuu socon doono muddo sodon saacadood ah.

Magaalada Washington ayaa ka mid ah Gobolada looga dhawaaqay in la geliyay xaalada deg deg ah, maadaama Barafka dabeylaha wata ay si aad ah uga da’ayaan.

Waxa uu Barafkaan saameyn ku yeelanayaa 80 Malyuun oo Mareykan ah oo degan Gobolada Bari ee dalka Mareykanka.

Ciidanka Ilaalada Qaranka dalka Mareykanka ayaa heegan buuxa la geliyay si ay gurmad ugu sameeyaan, hadii Barafka iyo Dabeylaha ay ka dhashaan Xaalado Qatar ah.

Magaalada Washington waxaa la joojiyay gaadiidka dadweynaha ee basaska, waxaana sidoo kale joogsanaya tareennada.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa joojiyay kumannaankun oo duulimaadyo ah oo ka baxayay ama imanayay garoomada diyaaradaha ee ku yaalla, Washington DC, Baltimore, Philadelphia iyo garoomo kale.

USA 1 USA 2 USA 3 USA 4 USA 5