Shabaab oo galabta xukun dil ah ku fuliyay shan nin oo basaasnimo ay ku eedeeyeen

0
481

timthumb (47)

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay xukun dil ah ku fuliyeen illaa shan nin, ka dib markii ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka.

Raggan oo lagu qisaasay Fagaaraha Degmada Saakow Ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa afar ka mid ah la toogtay, halka midka kalana la gowracay. Ninkan waxaa lagu eedeeyay inuu hagaayay diyaarad bilaa duuliye ah, oo duqayn ka fulisay Koonfurta Somaliya, laguna dilay dagaal-yahano Shabaabka ka tirsanaa.

Maxkamadda Degmada Saakow, ayaa in la dilo ku xukuntay raggaasi, sababo ku aadan sida ay sheegtay, iyagoo la shaqaynaayay cadowga Alle.

Ragga la dilay waxaa lagu kala magacaabi jiray:-

Aadan Maxamed Isaaq 19 jir

C/laahi Xasan Abuubakar 19 jir

C/najiib Cismaan Cosoble 19 jir

C/naasir Cali Maxamed 21 jir

Axmed Cali Ibraahim 22 jir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Saakow oo Fagaarahaasi kula hadlaayay boqolaal ruux oo isugu soo baxay, ayaa dadka kaga digay inay la shaqeeyaan dhinacyada ka soo horjeeda jiritaanka Shabaabka, haddii kalana loo dili doono, si lamid ah shantii nin ee galabta lagu dilay Fagaaraha Saakow.

Ururka Al Shabaab, ayaan soo bandhigin cadaymo lagu qanci karaayo oo la xiriira in raggaasi, ay la shaqaynayeen Dowladaha Mareykanka iyo Somaliya, marka laga soo taggo oraahda ay ku caanka baxeen, ee ah (Isagaa qirtay).