Somali lala xiriirinayo Alshabaab, kuna xiran Maraykanka oo la soo maxkamadeynayo.

0
320

news

Baarayaasha Dembiyadda ee Maraykanka ayaa sheegay in Saddex Eedeysane oo u dhalatay Somalia isbuuca soo socda la soo taagi doono Maxkamadda Brooklyn, kuwaasi oo lala xiriirinayo inay taageero siiyeen Xarakadda Alshabaab.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Cali Yaasiin Axmed, Mahdi Xaashi iyo Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in jirdil lagu sameeyey muddadii ay ku xirnaayeen dalka Jabuuti oo laga soo qabtay sannadka 2012-kii.

Kaaliyayaasha Xeer-ilaaliyaha Qaranka Maraykanka, Shreve Ariail, Richard Tucker and Seth DuCharme ayaa sheegay inaysan Eedeysanayaasha wax debecsanaan ka heli doonin sheegashadooda, wuxuuna tilmaamay in la hayo caddaymo Muuqaal Video oo ay Dhallinyaradda ku nool Maraykanka, Europe iyo meelo kale ugu baaqeen in ay dagaal Jihaad u soo aadaan Somalia.

Kaaliyayaasha si rasmi ah uma xaqiijin haddii ay wax ka jiraan in lagu jir dilay Jabuuti, markii ay Sirdoonka Maraykanka ka soo qabteen sannadkii 2012-kii.

Si kastaba ha ahaateem Eedeysanayaasha Cali Yaasiin Axmed, Mahdi Xaashi iyo Maxamed Yuusuf waxay muteysan karaan in lagu xukumo wax ka yar 15 sanno, iyagoo ku eedeysan inay Xarakadda Alshabaab u gudbiyeen Taageero Qalab, inkasta oo aysan Baarayaasha Maraykanka sheegin waxa uu ahaa Qalabkaasi.