SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea Oo U Dhaqaaqeysa Antoine Griezmann Si Uu U Noqdo Bedelka Eden Hazard.

0
776

2467522_heroa

chelsea ayaa u dhaqaaqi doonta xiddiga kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann haddii Eden Hazard uu qasbado inuu ku biiro Paris Saint-Germain ama Real Madrid xagaaga, sida ay qortay jariirada Daily Mail nuqulkeeda axadlaha ah.

Xiddiga reer Belgium ayaa xilli ciyaareed uusan ku faraxsaneyn ku qaadanaya Stamford Bridge, iyadoo goolkiisii ugu danbeeyay ee kooxda uu ahaa midkii uu dhaliyay 3dii bishii May ee xilli ciyaareedkii hore

Si kastaba qaab ciyaareedkiisii xilli ciyaareedkii hore ee uu ku qaatay abaalmarinta xiddiga sannadka Ingariiska ee PFA ayaa keentay inay weli xiiseynayaan kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Dhanka kale, Griezmann ayaa qandaraaskiisa Atletico Madrid waxaa lagu burburin karaa 60 milyan ginni, waxaana ay Atletico la sheegayaa inay u furan tahay fekerka ah inay lacag badan ku hesho weeraryahanka Faransiiaka madaama haatan hakad la geliyay xayiraadii lagu soo rogay ee suuqa kala iibsiga.