Turkiga oo digniin adag u diray Ruushka

0
782

timthumb (44)Dowladda Turkiga ayaa digniin adag u dirtay Dowladda Ruushka, kadib markii Turkiga ay sheegeen Diyaarad laga leeyahay Moscow inay xadgudub ku sameysay hawada dalka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyid Erdogan, ayaa uga digay Xukuumadda Moscow inay la kulanto cawaaqib xumo kaga yimaada dhanka Turkiga.

Waxa uu sheegay Diyaarad Dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka inay mar kale xadgudub ku sameysay hawada dalka Turkiga, Jimcihii xilli Turkiga ay horay u soo rideen Diyaarad Ruushka leeyahay oo hawada Turkiga gashay, taasi oo ka dhalatay Khilaaf Siyaasadeed.

Madaxweyne Erdogan, waxa uu tilmaamay Duuliyaha waday Diyaarada Ruushka in digniin horu dhac ah la siiyay, looguna sheegay luuqadaha Englishka iyo mida Ruushka.

Xukuumadda Moscow ayaa beenisay arintaasi waxaana ay ku tilmaamay mid aanan waxba ka jirin eedeymaha ka soo yeeray Dowladda Turkiga.

Ururka NATO oo labadan dalba ay xubno ka yihiin, ayaa ugu baaqay Dowladda Ruushka inay ilaaliso hawada dalalka xubnaha ka ah NATO oo aysan xadgudub ku sameynin.

Bishii November, Turkiga ayaa soo riday diyaarad dagaal oo laga leeyahay Ruushka, iyaga oo sheegay in ay ku soo xadgudubtay hawada sare, arrintaas oo isku badashay dhibaato diblumaasiyadeed taa oo Ruushku cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah uu ugu soo rogay Turkiga.