Xiddig Ka Ciyaara Premier League Oo Qirtay Inuu Booqdo Ra’iislaha Maalin Walba Si Loogu Hagaajiyo Timihiisa Iyo Eedeymo Uu Ku Muteystay Arinkaas.

0
901

01_30011238_5c506a_2664372a-450x450

Xiddiga Premier League ka ciyaara ee Wilfried Zaha ayaa lagu tilmaamay inuu yahay nin ku waashay muuqaalkiisa sababtoo ah waxaa tinta loo jaraa maalin walba, sida ay qortay The Sun.

Zaha oo 23 sanno jir ah ayaa garka iyo tinta madaxa loo hagaajiyaa maalin walba isagoo booqda ra’iislahiisa gaarka ah.

Isagoo sawiro uu iska qaaday la wadaa 295 kun qof oo kala socda bogiisa Instagram, xiddiga garabka ka ciyaara ayaa u soo qoray: “Timo xiirasho cusub maalin kasta.”

Taageerayaasha Crystal Palace ayaa sheegay in xiddigaha asalkiisa uu ka soo jeedo Ivory Coast oo xilli ciyaareed isku dhafka ah bartanka kaga jira inuu u baahan yahay inuu waqtigiisa ku qarashgareeyo inuu leylin ku sameeyo caawintiisa halkii uu maalinba u socon lahaa dhanka ra’iislaha.

Qof u hadlay The Sun ayaa yiri: “Waalida uu ku qabo muuqaalkiisa ayaa ka dhigeysa inuu yahay ciyaaryahanka ugu naf jecelysiga badan wadanka.”

Zaha aya aka tagay Palace isagoo heshiis 10 milyan ginni ah ugu biiray Man United sannadii 2013 ka dib markii uu qeyb ka noqday xulka England ee Roy Hodgson.

Waxa uu ku dhibtooday Old Trafford waxaana uu dib ugu biiray Palace sannadkii hore, waxaana uu tan iyo markaas ku soo bilowday 37 kulan isagoo dhaliyay shan gool.

“Malaha waxa uu u baahan yahay inuu diirada saaro karoosyadiisa iyo darbooyinkiisa halkii uu diirada saari lahaa muuqaalkiisa, markaas waxa uu dhalin lahaa goolal intaan ka badan” ayuu yiri qofkaas.