Xidiga Atletico Madrid Ee Filipe Luis Oo Markii Kaadhka Cas Loo Taagay Go’aansaday In Uu Qaybtii Danbe Ciyaartii Camp Nou Uu Ka Daawado Qolka Shirarka Saxaafada Barcelona , Muxuuse Luis Enrique Ka Yidhi Taakalkii Luis Ee Messi?

0
1126

Flipe-Luis-638x367

Difaaca kooxda Atletico Madrid ee Filipe Luis ayaa dhamaadkii qaybtii hore ee kulankii Camp Nou kaadhka cas oo toos ah loo taagay kadib markii uu qalad xun oo kubbada cagta ka baxsan uu ku galay Lionel Messi. Flipe Luis ayaa xamaasadiisa xakamayn kariwaayay taas oo keentay in kaadhka cas oo toos ah loo taago isla markaana A.Madrid 10 ciyaartoy lagu soo yareeyo.

Tababaraha Barcelona ee Luis Enrique ayaa cadho aan caadi ahayn ka muujiyay markii uu Flipe Luis taakal xun uu jilibka kaga qabtay Messi, wuxuuna Enrique ku sigtay in uu garoonkba soo galo laakiin garsooraha ayaan haysan wax kala doorasho ah wuxuuna ciyaarta ka saaray Luis.

Enrique ayaa cadeeyay in ay layaab ku noqotay waxa uu ku kacay Filipe Luis wuxuuna mar arintaa wax laga waydiiyay uu yidhi: “Waxaad ka arki kartaa falcelintaydii, sidaa daraadeed waad garan kartaa fikirkayga, layaab ayay aniga igu riday, laakiin kubbada cagta way ka dhacdaa”. Garsooraha afraad ayaa joojiyay Enrique oo cadhadiisa bananka u soo saaray iyada oo uu markaas dhulka yaalay Messi balse xidiga ree Argentina ayaa ugu danbayn awooday in uu ciyaarta sii wato.EnriqueLaakiin Filipe Luis ayaan qolka labiska kooxdiisa aadin, wuxuuna go’aansaday in uu shaashada TV-ga ka daawado qaybta danbe ee ciyaatii dhex martay Barcelona iyo Atletico Madrid isaga oo ka soo muuqday qolka shirarka saxaafada Barcelona ee Ciudad Condal.Filipe Luis

Barcelona ayaa guul ku gaadhay 2:1 iyada oo saddex dhibcood oo saafi ah ku qabtay hogaaka La Ligaha halka ay waliba gacanta ku haysto kulanka ay February la ciyaari doonto kooxda Sporting Gijon.Messi1

Tababaraha Ateltico Madrid ee Deigo Simeone ayaa kulanka Eibar waayi doona saddex ka mid difaaca kooxdiisa iyada oo Diego Godin uu isaguna kulankan kaadhka cas qaatay halka Juanfran ay u buuxsan tahay shan kaadh oo digniin ah.