Al Shabaab oo soo bandhigay gaari dagaal iyo hub ay ku qabsatay dagaalka Marka (SAWIRRO)

0
601

timthumb

Ururka Al Shabaab oo maalintii 3-aad si buuxdo ugu sugan Magaalada Marka Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ay la galeen Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Amisom.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo Al Shabaab ugu magacaaban Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in dagaaladii Sabtidii iyo Axadii ay guulo kaga gaareen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Wuxuu soo hadalqaaday in dagaalkii Sabtidii ay ku dileen tiro ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya, sidoo kalana ay kaga qabsadeen gaari nooca dagaalka ah iyo dhawr xabo oo qoryaha garbaha laga gano ah.

Abuu Cabdalla, ayaa ku faanay in Ciidamada Al Shabaab ay maanta si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Buufow, oo qiyaastii 3km u jirta Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Xasan Cumar Macalin, Gudoomiyaha Magaalada Marka, ayaa beeniyay in Xoogaga Al Shabaab ay la wareegeen Buufow, isagoo taasi bedelkeedana sheegay inay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda.

Gudoomiyaha oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta, ayaa ku cago jugleeyay in saacadaha soo socdo ay si buuxdo gacanta ugu dhigi doonaan Magaaladaasi Marka, sida uu yiri.

Dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab, ayaa waxay isu deyayaan inay difaacdaan gacan ku haynta Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, walow ay Dowladdu wado qorshihii ugu dambeeyay, ee dib looga saari lahaa Magaalada.