Danjire Dahir Gelle oo la kulmey Amir Waliid Bin Talaal Bin Cabdulcasiis

0
437

Danjiraha Soomaaliya ee u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Daahir Maxamud Geele ayaa la kulmey Amiir Waliid Bin Talaal Bin Cabdulcasiis oo ka mid ah maalqabeenada oo sida weyn loogu yaqaan aduunka.

Danjiraha ayaa waxaa shirka kala qeyb galey Mudane Salim Macow Xaaji oo ah lataliyaha koowaad isla markaana ah ku xigeenka safiirka iyo Mudane Cali Xaaji oo ah lataliyalaha Ganacsiga ee safaaradda.

Danjiraha ayaa marka hore Amiirka ugu mahadceliyey booqashadii taariikhig ahaa ee uu ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011, markaasi uu dalka ka jirey abaaro ba’an. Iyo disoo kale wuxuu ugu mahadceliyey kaalmadii uu ugu hibeeyey dadkii markaasi abaaraha ku waxyeeloobey, oo uu kaalmadaasi u marsiiyey hey’adaha UN ka.

Danjiraha ayaa Amiirka u sheegey in Soomaaliya isbedelo waaweyn oo dhinac kastaba ah ka dhacey tan iyo intii safarkii horey ee uu ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011. Wuxuuna ka codsadey inuu safar kale ku yimaado dalka Soomaaliya si uu u arko isbedelada iyo horumarka laga gaarey dalka.

Danjiraha ayaa Amiirka ka codsadey inuu maalgashi ka sameysto dalka Soomaaliya, asagoo u sharxey fursadaha maalgashiga ee dalka ka jira. Wuxuuna hoosta ka xariiqey in arintan ay dhiiri gelin weyni u noqon doonto dad kale oo maalqabeenada ah ee doonaaya iney maalgashi ku sameystaan dalka Soomaaliya, waxeyna siin doontaa kalsooni weyn.

WaliidBinTalal20160201_1 WaliidBinTalal20160201_2