Guushii Gianni Infantino Ee Madaxtinimada FIFA Oo Dalka Ingariiska U Gacangelin Karta Martigelinta Koobka Adduunka Ee 2030.

0
637

SPORT-COMP-LANDSCA_2712162a-620x413

Doorashadii lama filaanka aheyd ee Gianni Infantino ee madaxweynenimada FIFA ayaa keeni karta in dalka Ingariiska uu martigeliyo Koobka Adduunka sannadka 2030.

Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Ingariiska Greg Dyke ayaa wacad ku maray inuusan raadin doonin inay martigeliyaan Koobka Adduunka ilaa iyo Sepp Blatter iyo xirtiisa ay maamulayaan urur weynaha kubada cagta dunida ee FIFA.

Laakiin ka dib markii uu Infantino uu bedelay Blatter, Dyke aya yiri: “Waxaa laga yaabaa inaan u tartano 2030. Waacusub ayay inoo tahay. Sababta aan u diidnay inaan martigelinta Koobka Adduunka u tartano inta uu Blatter joogay waxay aheyd inaan aaminsaneyn inaan ku guuleysan doonin.

“Xumaan badan ayaa ina dhexmartay markii ugu danbeysay ee aan isku daynay ee aan u tartanay martigelinta 2018, heer dowladeed iyo weliba heer xiriirka kubada cagta Ingariiska ah. Macquul ma aysan aheyn in lala xaajoodo isaga.”

Infantino oo 45 sanno ah ayaa ka yaabsaday taageerayaasha kubada cagta isagoo ka guuleystay ninka reer Bahrain Sheikh Salman wareegii labaad ee codeyntii ka socotay Zurich.

Salman ayaa loo saadaalinayay inuu si dhib yar ugu guuleysan doono. Laakiin markii la soo gaaray wareega labaad ee codeynta waxaa loo baahnaa mushaharaxa helaya codadka ugu badan, ninka Swiss-Talyaaniga ah Infantino ayaa si sahlan ugu guuleystay 115-88.

Intii uu ka shaqeynayay Uefa, Infantino waxa uu siiyay FA-ga iyo Wembley xaqa ay ku martigelin karaan semi-finalka iyo finalka koobka Euro 2020 oo dalal badan ay hal mar isla martigelinayaan.