Jose Mourinho Oo Ku Dhow Inuu Ogolaado Heshiiska Man United Iyadoo Xilli Ciyaareedka Danbe Uu Ka Horimaan Doono Guardiola-ha Man City.

0
511

2423492-638x359

Tababaraha reer Portugal ayaa lagu waramayaa inuu diyaar u yahay inuu u saxiixo kooxda Old Trafford ka dhisan, islamarkaana uu Premier League kaga horyimaado xilli ciyaareedka danbe tababaraha cusub ee Manchester City Pep Guardiola.

Telefishinka Sky Sport Italia ayaa sheegaya in Jose Mourinho uu ku dhow yahay inuu ogolaado heshiis uu ku noqonayo tababaraha cusub ee Manchester United xilli ciyaareedka danbe.

Macalinka reer Portugal ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford tan iyo markii laga ceyriyay Chelsea bishii December, waxaana la isla dhexmarayaa inuu shaqadaas ku dhow yahay ka dib markii la xaqiijiyay in Pep Guardiola uu u dhaqaaqayo Manchester City xilli ciyaareedka dnabe.

Mourinho ayaa si fool ka fool ah uga horyimid Pep Guardiola mudadii ay isla joogeen Spain iyagoo kala hogaaminayay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, waxaana laga yaabaa inuu dib u soo noolaado xafiiltankooda mar kale xilli ciyaareedka soo socda.

United ayayna macquul tahay inay xilli hore xaqiijistaan la soo wareegida Mourinho iyadoo shaki weyn la gelinayo mustaqbalka mudada dheer ee tababare Louis van Gaal kaasoo cadaadis aad u badan ku jiray xilli ciyaareedkan