Lix ruux oo lagu toogtay dalka Mareykanka

0
484

timthumb (73)

Sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta gudaha dalka Mareykanka, lix ruux ayaa goor dhaw lagu toogtay Deegaanka Kalamazoo oo ka tirsan Gobolka Michigan ee dalka Mareykanka.

Goob ay fadhiyeen dadkaan ayaa lagu harqiyay rasaas, taasi oo keentay inay geeriyoodaan lix ruux oo ka mid ahaa dadkii fadhiyay goobta.

Dadka geeriyooday ayaa ag fadhiyay Dukaan lagu iibiyo Gawaadhida oo ku yaallo Deegaanka Kalamazoo, sida uu xaqiijiyay Sarkaal u hadlay ciidanka Booliska.

Saraakiisha Booliska, waxa ay sheegayaan inay tuhmayaan in falkaan uu ka dambeeyo nin cadaan ah oo hada gacanta Booliska ku jira, Baarisna ay ku socoto.

Majirto cadeymo rasmi ah oo ku aadan ninka ay gacanta ku hayaan Booliska inuu yahay shaqsiga geystay falka toogashada ah, hayeeshe tuhun kaliya ayeey u xireen ciidamada Booliska.

Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxaa ka dhaca Toogashooyinka caynkaan oo kale ah oo ay geystaan dadka sida sharcidarada ah ku haysta hubka.