Neymar Junior Oo Dhexda Ka Taagan Dagaala Dhanka Qandaraaska Ah, Paris Saint-Germain, Barcelona Iyo Real Madrid Oo Lacago Aan Isu Dhaweyn Ugu Yaboohaya Kabtanka Brazil

0
276

Neymar-9-609x343

Paris Saint-Germain ayaa isku dioyaarineysa iney ka gudbiso xidiga Barcelona ee Neymar dalab ku kacaya lacago rikoork jabis ah sidoo kalena diyaar ula ah mushaar uu ku qaadanayo €40 milyan oo euro hadii uu u dhaqaaqo dhanka kooxda Ligue 1, sida ay daabacdayUOL Esporte.

Xidiga heerka caalami ee xulka Brazil ayaa kula jira Barcelona qandaraas soconaya ilaa sanada 2018 inkastoo ay Barcelona xili hore bilowday wada hadalo ay qandaraaska ugu kordhineyso xidigaan.

Laakin PSG ayaa dhag jalaq u siinin wada xaajoodka ay Barca la furtay Neymar waxayna u balan qaadayaan inuu noqon doona sida Lionel Messi uu ka yahay Barcelona iyo waliba Cristiano Ronaldo-ha Real Madrid waxaana u dheeri ah in lacago aan caadi aheyn uu mushaar ahaan u qaadan doono sanadkii.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa ula diyaar ah Neymar lacag dhan €16 milyan oo euro halka ay Real Madrid la dooneyso lacag dhan €20 milyan oo euro sanadkiiba