Rasaas culus oo caawa laga maqlay xero Ciidanka Kenya ku leeyihiin Garissa

0
542

timthumb (78)

Rasaas culus, ayaa waxaa caawa laga dhex maqlay xero Ciidanka Difaaca Kenya, ay ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Garissa Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidan fara-badan, ayaa rasaasta ka dib soo buuxiyay wadooyinka Magaalada Garissa, iyadoo aan illaa iyo hadda macluumaad rasmi ah laga hayn waxa sababay rasaastaasi.

Warbaahinta Kenya, ayaa qortay in xoogaga ammaanka ay si buuxdo gacanta ugu hayaan ammaanka Magaalada, isla-markaana ay wadaan baaritaano ku aadan rasaastan.

Dadka deegaanka, ayaa dhacdadaasi ka dib waxay ku xaroodeen guryahooda, waxaana albaabada loo laabay goobaha ganacsi ee ku yaala Xarunta Gobolka Waqooyi Bari.

Nin degan agagaaraha Xerada Militariga Barack, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay baqdin xoog lihi ka muujiyeen rasaas iyo qaraxyo uu sheegay in Xeradaasi laga dhex maqlay.

Ninkan, ayaa sheegay in 10 illaa 20 daqiiqo ay rasaastu ka socotay gudaha Xerada, balse wuxuu xusay inaysan jirin cid illaa iyo hadda sheegi karta, sida ay wax uga dhaceen Xerada Militariga Kenya.

Saraakiisha Booliska & Militariga ee ku sugan Magaaladaasi Garissa, ayaan weli wax war ah ka soo saarin, haddii Xerada Barack la soo weeraray iyo haddii kalaba.

Ururka Al Shabaab oo weeraro joogto ah ka gaysta gudaha Kenya, ayaa marar badan weeraro ka fuliyay Garissa. Weerarkii ugu dhimashada badnaa, ayaa ahaa kii 2-dii bishii April ku qaadeen Garissa University.