Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo lagu dilay Degmada Afgooye

0
659

timthumb (17)

Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya, gaar ahaan ciidanka Booliska ayaa Degmada Afgooye wuxuu ku toogtay nin Sarkaal ahaa oo ciidamada Booliska ka tirsanaa.

Ninkaan Sarkaalka ah iyo Askariga ayaa la sheegay inay murmeen, kadibna uu rasaas la dhacay, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta dhanka ammaanka Degmada Afgooye.

Sarkaalka la dilay, ayaa magaciisa lagu soo koobay Saciid, waxaana goobta ka baxsaday Askarigii falka dilka ah geystay.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Afgooye Yuusuf Axmed Moordow, ayaa sheegay inay ku raadjoogaan Askariga falkaasi dilka ah u geystay Sarkaalka ciidanka Booliska ka tirsanaa.

“Ninkii waan ku raadjoognaa, laamaha amaanka ayaa ku raadjooga sidii ninkaasi loo soo qaban lahaa, si kama ah ayuu dilka u dhacay, waa lasoo qaban doonaa sharciga waxa uu ka qabo ayaana la waafajinayaa.”Ayuu yiri.

Degmada Afgooye ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay, waxaa ka dhacaayay dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan loogu geystay Sarkaalkaan iyo Haweenay ka mid aheyd Dadka deegaanka.

Afgooye waxaa buuxa ciidamada Dowladda oo isugu jira Millateri, Nabad Suggid iyo Ciidanka Booliska, hadana ammaankeeda ma’ahan mid si weyn la isugu haleyn karo.