Wasiirka Diinta iyo Awqaafka ee Xukuumadda Federalka oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka.

0
539

albaqdaadi

Wasiirka Diinta iyo Awqaafka ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo maalmahan booqasho hawleed ku jooga dalka Sacuudiga waxa uu Kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka,Sheekh C/llaahi Bin C/muxsin Alturki

Kulankaasi ayaa waxa uu maanta ka dhacay Xarunta Dhexe ee Raabidada Caalamka Islaamka oo ku taalla magaalladda Barakaysan ee Maka Almukarama ee dalkaSacuudiga.

Labada Mas’uul waxa ay ka wada hadleen Xaalladda dalka Somali, wuxuuna Wasiirka ka mahadceliyey Taageeradda ay Dowladda Sacuudiga iyo Ururka Raabidada ka geystaan dhinacyadda Samafalka iyo Horumarinta.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Boqorka Sacuudiga, ahna Khaadumka Xaramaynka, Salmaan Bin C/casiis Alsacuud dadaal xooggan ugu jiro inuu u adeego Islaamka iyo Muslimiinta, gaar ahaan doorkiisa uu ku taageero Ummadda Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Qunsulka Safaaradda Somalia iyo Madaxa Arrimaha Xajka ee Somalia, Sheekh Xasan Maxamed Cabdi.