C/wali Gaas oo shaaciyay sida ay ka yeelayaan Caruurtii ay ku qabteen dagaalkii Shabaab iyo Puntland dhexmaray

0
705

timthumb (7)

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa shaaciyay sida ay ka yeelayaan caruur yar yar oo ciidamada Puntland ay ku qabteen dagaaladii Shabaab ay kula galeen aagga Toga Suuj ee Gobolka Nugaal.

C/wali Gaas wuxuu sheegay dagaalka inay ku qabteen dhalinyaro yar yar oo sida uu yiri la soo qalday, kuwaasi oo hada gacanta ku hayaan ciidamada Maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay inay xanaaneyn doonaan caruurtaasi, sidoo kalena ay ku sameyn doonaan hanuunin ku aadan in maskaxdooda dib loo soo celiyo, maadaama Shabaab ay dhalan rogeen.

“Wiilasha yar yarka ee la soo qalday 10 jirada ilaa 12 jirada, dabcan waan qabanay, laakiin waad u jeedaan Dhalinyaro yar yar oo la marin habaabiyay inay yihiin, waan xanaaneynaa, waan hanuuninaynaa, Inaga oo adeegsanaynaa Diinteena iyo Culimadeena.” Ayuu yiri C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland.

Sawiro ay soo bandhigeen Saxaafadda deeganada Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhex muuqday dhalinyaro aad u da’yar oo la sheegay in lagu qabtay dagaalka.

Inkastoo Shabaab ay adeegsadaan ama ay dhalan rogaan dhalinyarada aadka u da’da yar ee Gobolada dalka Somaliya ku nool, ayaa hadana shaki waxaa laga muujinayaa in dhalinyaradaasi ay yihiin kuwii saxda ahaa ee Shabaab dagaalka ay geliyeen iyo in kale.

Ururka Al Shabaab ayaa looga bartay inay maskaxda ka bedelaan dhalinyarada yar yar, kadibna ay dagaaal geliyaan iyadoo Xeerarka caalamka aysan qayb ka aheyn in caruurta dagaal la geliyo.