Dowlad Goboleedka Soomaalida Ethiopia oo Xaqiijisay iney Soomaaliya ka xireen Webiga Shabeelle.

0
775

iley

Iyadoo si rasmi ah uu u guray Wabiga Shabeelle ee mara Gobolo ka tirsan dalka Somaliya, xilligana ay jirto Abaar daran ayaa Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya waxa ay xaqiijiyeen in Biyo xireen ay ku sameeyeen Wabiga Shabeelle.

Munaasabad xariga uu uga jaraayay Biyo Xireenkaasi Madaxweynaha Dowlad deegaanka Somalida dalka Itoobiya, ayaa lagu qabtay Deeganada Maamulkaasi, iyadoo ilaa Afar biyo xireen lagu sameeyay.

Ujeedka ka dambeeya Biyo xireenkaasi lagu sameeyay Wabiga ayaa ah in Mashaariic kala duwan oo laga sameynaayo dhulka Somalida Itoobiya ay uga faa’iideystaan Bulshada halkaasi ku nool.

Cabdi Maxamuud Cumar (Ileey) Madaxweynaha Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya ayaa sheegay in qarash badan uu ku baxay Biyo xireenkaan la sameeyay, isaga oo Bulshada ugu baaqay inay ka faa’iideystaan.

Biyo xireenka lagu sameeyay Wabiga ayaa looga gol leeyahay in Dadka ku nool Deeganada Ismaamulka Somalida Itoobiya ay ka faa’iideystaan biyahaasi oo beerahooda ay ku tacbadaan.

 

 

 

Qaar ka mid ah Odayaasha ku nool Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya ayaa sheegay in loo baahan yahay fursadan in laga faa’iideysto, maadaama waqti badan iyo Qarash fara badan intaba lagu bixiyay biyo xireenkaasi Wabiga lagu sameeyay.

Waxa ay sheegeen Odayaasha Beeraha in laga tacbado oo caruurta ay ka noolaadaan, maadaama si weyn Biyo xireenka loo sameeyay oo ilaa Afar meel laga sameeyay.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Dowladda Itoobiya horay ugu eedeeyay inay ka dambeyso qorshaha Biyo xireenka loogu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Dad badan oo ku nool dhulka uu maro Wabiga Shabeelle ayaa hada waxaa haysata xaalado adag oo dhanka nolosha ah, maadaama nolol wanaagsan ay ku haysan jireen biyaha Wabiga.

Dowladda Somaliya ilaa hada kama aysan hadlin arintaan, taasi oo muujinaysa in Dowladda aysan ku deg degi karin ficilada cunaqabateynta ah ee Itoobiya ay ku sameynayso Shacabka Somaliyed.

 

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: madkacadeeymedia@gmail.com