Hordhac: Everton v Chelsea – Kooxaha Premier League Oo Caawa U Tartamaya Kooxdii U Soo Bixi Laheyd Semi-finalka FA Cup

0
803

130914_everton-vs-chelsea

Everton v Chelsea

Kulanka: Wareega 8da FA Cup

Garoonka: Goodison Park

Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Michael Oliver

Everton ayaa isku dayi doonta inay ka sarre marto tartanka adag ee ay kala kulmayaan kooxda Chelsea oo soo booqaneysa Goodison Park, si ay u yareeyaan xanuunkii ka soo gaaray inay ku hareen semi-finalka League Cup.

Roberto Martinez ayaa koobka FA Cup qaaday sannadii 2013 sidaasi darteed waxaa jira waxyaabo ay kalsooni ku muujin karaan. Si kastaba kooxdiisa ayaa walwal ka qabta qaab ciyaareedka xun ee ay gurigooda ku soo bandhigaan. Guus Hiddink ayaa ka warqaba in Chelsea ay leedahay tayada ay ku gaari karto semi-finalka FA Cup, isagoo doonaya inuu ku celiyo guushiisii 2009 markaasoo isagoo sida haatan tababare ku meel gaar ah uu Blues u qaaday FA Cup.

MAXAA KA CUSUB?

Daafaca midig ee kooxda Everton Bryan Oviedo ayaa shaki uu ku jiraa isagoo xabad ka xanuunsanaya, halka Aaron Lennon isna dhaawaciisa muruqa bowdada la qiimeyn doono.

Kevin Mirallas ayay u bilaabaneysaa ganaaxiisa laakiin Gareth Barry iyo Tom Cleverley ayay tahay inay taam noqdaan ka dib markii ay ka soo kabsadeen xumad.

Chelsea ayaa qiimeyn doonta xaalada John Terry kaasoo ku soo laabtay kooxda ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah oo uu la maqnaa.

Kooxda Blues ayaa go’aan xilli danbe ah ka gaari doontaDiego Costa kaasoo dhaawac ku baxay kulankii bartamaha isbuuca. Eden Hazard ayaa diyaar ah inkastoo dhibaatada uu ka qabo sinta ay weli socoto.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Everton (4-2-3-1): Robles; Coleman, Jagielka, Funes Mori, Baines; McCarthy, Barry; Deulofeu, Barkley, Cleverley; Lukaku.

Chelsea (4-2-3-1): Courtois; Azpilicueta, John Terry, Cahill, Ivanovic; Matic, John Obi Mikel; Pedro, Fabregas, Willian; Remy.

MA OGTAHAY?

  • Everton iyo Chelsea ayaa sagaal jeer ay isku soo aadeen koobka FA Cup iyadoo Chelsea ay badisay lix ka mid ah sagaalkaas jeer, halka Everton ay seddex jeer ka gudubtay Blues.
  • Si kastaba, Chelsea ayaan waligeed ku guuleysanin kulan FA Cup ah oo ay ku ciyaareen Goodison Park, seddex jeer ayay ku ciyaareen, mar waa looga badiyay, halka labada jeer ee kale ay barbaro ku galeen.
  • Markii ugu danbeysay ee ay ku kulmeen tartankaan waxa ay aheyd 2011, markaasoo Everton ay soo baxday iyagoo badiyay kulankii ku celiska ee Stamford Bridge waxaana ay ku badiyeen rigoore.