Hordhac: Norwich City v Man City – Sky Blues Oo Hamineysa Inay Wadada Guusha Sii Heyso Si Ay Ugu Sii Jiraan Tartanka Horyaalka.

0
1062

Norwich-City-vs-Manchester-CityNorwich v Man City

Kulanka: Premier League

Garoonka: Carrow Road

Waqtiga: 3:45pm Saacada Geeska Afrika

Garoose: Jonathan Moss

Manchester City ayaa ka warqabta wax aan guul aheyn oo ay ka helaan Carrow Road inay ka saari doonto tartanka horyaalka Premier League, isbuucii hore waxaya ku soo laabteen wadada guusha ee Premier League ka dib seddex kulan oo isku xigta oo laga badiyay, waxaana ay garaaceen kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Aston Villa.

MAXAA KA CUSUB?

Labada xiddig ee Norwich City Robbie Brady iyo Steven Naismith ayaa la qiimeyn doonaa xaaladooda ka dib markii dhaawacyo kubka iyo muruqa bowdada ah loo bedelau kulankii isbuucii hore.

Sebastien Bassong iyo Andre Wisdom ayaa soo laaban kara laakiin Alex Tettey ayaa maqnaanaya inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Manchester City waxaa ka maqnaan doona Yaya Toure sababtoo ah waxaa ku soo kacay dhaawac ciribta ah.

Kevin De Bruyne ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawacii jilibka ka soo gaaray laakiin weli diyaar uma ahan inuu ciyaaro.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Norwich City (4-4-1-1): Ruddy; Pinto, Martin, Klose, Brady; Redmond, Howson, O’Neil, Jarvis; Hoolahan; Jerome.

Man City (4-2-3-1): Hart; Kolarov, Otamendi, Kompany, Sagna; Fernando, Fernandinho; Sterling, Silva, Navas; Sergio Aguero.

MA OGTAHAY?

  • Norwich ayaa badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah 15kii kulan ee ay ku kulmeen horyaalka Premier League, waxaana laga badiyay sideed kulan halka ay shanta kulan kale barbaro galeen.
  • Manchester City ayaa dhaliyay 39 gool oo Premier League ah kulamadii ay ka horyimaadeen Norwich halka laga dhaliyay 18 gool.
  • Kooxda martida ah ayaa durbaba ku badisay garoonka Carrow Road xilli ciyaareedkan, 3-0 oo ay ku badisay wareega 3aad ee FA Cup ee bishii Janaayo.