Ma Cristiano Cusub Ayaad Raadineysaan ? Man United Oo Sadex Xidig Ka Daawan Doonta Kulanka Portugal Vs Belgium Ee Habeen Danbe

0
871

Bernardo-Silva-Andre-Gomes-and-Renato-Sanches-450x300

Manchester United ayaa dad soo qiimeyn ku soo sameeya xidigo sadex oo xulka Portugal ka tirsan u direysa Leiria talaadada beri ah.

Bernardo Silva, Andre Gomes iyo Renato Sanches ayaa gabi ahaantod ku soo bilaaban doona kulanka ay xulkooda la ciyaarayaan wadanka Belgium waxayna sadexda xidig ee khadka dhexeba wada hoos taga wakiilka sare ee Jorge Mendes, kaasoo sheegay bishii February in United salab £31 milyan oo pound ah oo ay dirtay Sanches laga soo diiday.

Silva, oo ah xididg khadka dhexe uga ciyaara Monaconayaa ah kubad sameeye soo jiitay indhaha kooxo badan oo yurub oo ay kamid tahay Juventus halka Andre Gomes, oo lala barbardhigo xidigii Bayern ee Michael Ballack, u u ciyaaro kooxda Gary Neville ee Valencia.

Kulankaan ayaa ka dhici lahaa Brussels laakin waxaa loo badalay Portugal kadib qalalaaso amaan oo ka dhacay caasimada Belgium ka waxayna United dad u soo daawado ciyaartaan ugu diri doontaa si auy dib u habeyn weun ugu sameyso kooxdeeda waxaana la sheegayaa iney ugu horeyso in la isku badalo maclaimiinta kala ah Louis van Gaal iyo Jose Mourinho.