Maxkamadii Ku Socotay Neymar Oo Hakad La Geliyay Iyadoo Lagu Dhawaanayo In Xiddiga Reer Brazil Wax Danbi Ah Lagu Waayo.

0
695

Neymar-5-460x260

Neymar ayaa ka helay maxkamada sarre ee Spain war ah in hakad la geliyay dacwadiisa.

Barcelona aya sheegtay in maxkamada ay racfaankii ahaa in madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu iyo ninkii uu bedelay Sandro Rosell inaysan haatan aheyn eedeysanayaal.

Kiiska dacwadaan ayaa la xiriira wax isdabamarin la sameeyay markii uu Neymar ka soo wareegayay kooxda Santos xagaagii 2013.

Go’aankaan ayaa la micno ah in maxkamada dib loo furi doono kaliya haddii cadeymo cusub laga keeno eedeysanayaasha.

Neymar's court case has been suspended by the Sapnish High Court

Shirkad maalgashi oo Brazil laga leeyahay ayaa ku dacwooneysa in lacag la qiyaameeyay madaama ay qeyb ka lahaayeen Neymar, iyagoo ku eedeeyay Barcelona inay qarisay lacagta rasmiga ah ee ay kula soo wareegeen Neymar taasoo shirkada ka beenisay lacagtii ay rasmi ahaan u heli lahaayeen.

Waa talaabadii ugu horeysay ee ay qaaday maxkamada sarre tan iyo markii dacwada laga soo wareejiyay Madrid oo loo soo wareejiyay Barcelona.

Neymar iyo aabihiis ayaa ka soo hor muuqday maxkamada bishii hore, waxaana ay ku celceliyeen inaysan wax danbi ah gelin.

Kiiska xiddiga reer Brazil ayaa keentay inay soo baxaan warar xan ah oo sheegaya inuu diyaar u yahay inuu isaga tago kooxda reer Catalans.