Nin ku lug lahaa weerarrada Paris iyo Brussels oo la aqoonsaday

0
520

160324021153_brussels_wounded_624x351_reuters_nocredit

 

Saraakiisha waddamada Faransiiska iyo Beljamka ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah raggii fuliyay qaraxyadii garoonka diyaaradaha ee Brussels uu ku lug lahaa weerarkii Paris ee Novermber.

Waxaa la sheegay in uu isagu sameyay bambaanooyinkii qaraxyada loo adeegsaday weerarka Paris ee sanadkii hore.

Saraakiil aan magacooda shaacin ayaa waxa ay sheegeen in hidde-sidaha DNA-ga loo yaqaan ee laga qaaday Najim Laachraoui (Laqruui), sidoo kale laga helay jaakad loo adeegsaday weerarkii Paris.

Arrintan ayaa ku soo beegmayso iyadoo maanta ay kulan yeelan doonaan wasiirrada Midowga Yurub si ay xaaladda uga xaajoodaan.

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee arrimaha gudaha Dimitris Avromopolous ayaa ka digay in loo baahan yahay in ay u diyaar garoobaan la dagaalanka argagixisada.

Warkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay in mid ka mid ah raggaasi gaystay weerarka Brussels sanadkii hore laga soo musaafuriyay Turkiga.

Erdogan ayaa sheegay in uu arrinkaasi la socodsiiyay dowladda Beljamka, balse ay sii daayeen in kasta oo looga digay halista.