Radovan Karadzic oo ah ninkii xasuuqay Muslimiintii Bosnia oo la xukumay

0
453

timthumb (8)

Hoggaamyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia, Radovan Karadzic ayaa lagu helay demabiga xasuuqii Srebrenica ee 1995-kii iyo sagaal dwmbi oo kale, sida ay sheegeen garsoorayaal ka tirsan QM.

Karadzic ayaa waxaa lagu xukumay afartan sano oo xabsi ah.

70 jirkan oo ah ninka ugu miisaanka culus ee maxkamadda caalamaiga ah ee dambiyada dagaalka ee Yugoslavia ay xukunto, ayaa waxa lagu helay 10 ka mid ah 11-kii dambi ee lagu eedeeyey.

Gasroorayaasha QM ayaa sheegay in Hogaamyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia Radovan Karadzic uu masuul ka ahaa dwmbiyo ka dhan ah bani’aadanimada, oo ay ku jiraan dilal iyo tacaddiyo ka dhacay Bosnia.

Dembiga keliya ee lagu waayay, ayaa ah xasuuqyo kale oo laga gaystay goobo kale, sida ay xaqiijiyeen Qareenada Qaramada Midoobe.