Rag qarax ku rakibi lahaa dhismo uu booqanayey Madaxweynaha Kenya oo la qabtay

0
646

UHURU-KENYATTA

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa Nairobi, waxaa gacanta lagu dhigay labo nin oo mid ka mid ahaan jirey Sarkaal Bolis, kuwaasi oo doonayey inay maalintii Talaadada ee la soo dhaafay qarax ku rakibaan Dugsiga Tababarka Boliska ee Xaafadda Embakasi ee magaalladda Nairobi oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta kaga qeyb galayey Munaasabad tababar loogu soo xirayey 1,976 Saraakiil cusub.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inuu loo gudbiyey Xarunta Dhexe ee Boliska La-dagaalanka Argagixisadda Kenya (ATPU).

Baaritaano hordhac ayaa muujiyey in qalabka ay raggaasi wateen uu samayn lahaa qarax aad u xoog weyn.

Baarayaasha waxay sheegeen inay Eedeysanayaasha filaynin in ay Saraakiisha Ammaanka ku jireen Feejignaan la xiriirta Ammaanka Guud ee Dhismaha uu Madaxweynuhu ku soo xiri lahaa Tababarka.

Qabashaddan ayaa timid dhowr kadib, markii uu Hoggaamiyaha Alshabaab ee ka hawlgala gudaha Kenya, Axmed Iimaan Cali ku hanjabay inay weeraro culus ka fulin doonaan Kenya.

Hoggaamiyahaasi oo ah Kenyan ka soo qalin jebiyey Jaamacadda Beeraha iyo Teknoolajiyadda ee Jomo Kenyatta University of Agriculture and Technology, waxa kale oo uu tilmaamay inay Alshabaab weerari doonaan, kuna dhex gaardin doonaan Aqalka Dowladda Kenya ee magaalladda Nairobi.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay shalay shaacisay magacyadda xubno ka tirsan Alshabaab oo ay sheegeen inay qabteen ama dileen.