Soddomeeyo Ceelasha ku shaqeeya Ilayska Cadceeda oo laga hirgelinayo qeybo ka mid ah dalka Somalia

0
619

solar-well3

Bangiga Horumarinta Islaamka ee Fadhigiisa Dhexe ku yaallo dalka Sacuudiga iyo Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Samafalka (IHH) ayaa sheegay inay Somalia ka hirgelin doonaan 36 Ceelasha Biyaha ee ku shaqeeya Tamarka Cadceeda ama Solarka, waxaana Hawshaasi lagu kharaj gareyn doonaa in ka badan 6 million oo Dollar.

G/xigeenka Hay’adda Samafalka Aadminimo ee  dalka Turkiga Yavus Dede ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee Anadolu Agency in Ceelashaasi hoos loo qadayo 300 ilaa 500 mitir.

Waxa uu intaasi ku daray in Halkii Ceel lagu kharaj garaynayo ku-dhawaad 170,000 oo Dollar.

Waxa uu tilmaamay in Bagiga Horumarinta Islaamka (The Islamic Development Bank) bixinayaan Kharajka lagu qodayo Ceelashadaasi, iyadoo ay Hay’adda IHH fulinayo Mashruucaasi.

G/xigeenka Hay’adda Samafalka Aadminimo ee  dalka Turkiga Yavus Dede waxa uu sheegay inay dad Soomaali ah u tababari doonaan, si ay gacanta ugu qabtaan Isticmaalka iyo Xannaanaynta qalabka Ceelashaasi.

In ka badan 13 million oo qof oo ku nool Geeska Afrika ayaa waxaa saamaysay Abaaro, iyadoo in ka badan 4.7 million oo ku nool Somalia u bahaan yahay Gargaar Aadminimo.