Weerar culus oo dhinaca cirka ah oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

0
280

timthumb (36)

Duqayn xoogan oo dhanka cirka ah, ayaa xilli dambe oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay Gobolka Hiiraan, iyadoona la soo sheegaayo in lala beegsaday xero lagu tababaro dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Xerada la garaacay, ayaa waxay ku taallaa Deegaanka Dhariyow oo qiyaastii 60km dhinaca galbeed kaga toosan Degmada Buulo Burde, oo ood wadaag la ah Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in xeradan tababar loogu soo gaba gabeeyay ciidan ka tirsan Ururka Al Shabaab, waxaana maanta lagu waday in loogu qabto xaflad loogu soo xiraayay tababarkaasi.

Waxaa sidoo kale soo baxaaya warar sheegaaya in xeradaasi ay ku sugnaayeen Madax Ururka Al Shabaab ka tirsan, balse ma cadda tiradooda iyo waxa ay isugu jireenba.

Isgaarsiyiinta Deegaanka Dhariyow oo mid ciriiri ah, ayaa dadkii ka soo cararay halkaasi oo qaarkood soo gaaray Buulo Burde, waxay Warbaahinta u sheegeen xalay illaa maanta inay gubaneysay xerada la duqeeyay.

Dadkan oo codsaday inaanan magacyadooda la soo xigan, ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in dab xoogan uu ka kacay xerada, ka dib markii ay sheegeen in illaa toddobo gantaal lala beegsaday.

Nin ka soo cararay Deegaankaasi Dhariyow, ayaa ku waramaaya in duqayntu ay dhacday abaarihii 2-dii habeenimo ee xalay, xilli sida uu sheegay ay dadka halkaasi ku dhaqan ay wada hurdeen.

Duqayntan, ayuu ku sheegay nooceedii ugu xooganeyd ee ebid ka dhacdo Dhariyow, isagoo intaa ku daray in goobo ka baxsan loo sheegay in laga maqlay gantaalahaasi.

Illaa iyo hadda waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda duqayntaasi, balse waxaa duqaymaha ceynkani oo kala ah looga bartay inay fuliyaan diyaaradaha bilaa duuliyaha ee Drones-ka Mareykanka.

Ururka Al Shabaab, ayaan dhankoodu ka hadlin weerarka culus ee lala beegsaday xeradooda, iyadoo aan Shabaabka looga baran inay ka hadlaan weerarada dhinaca cirka ee ku foorara.