Weerar qasaaro xoogan geystey oo Caawa ka dhacay Pakistaan.

0
957

Wararka laga helayo magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa sheegaya in qarax ka dhacay halkaasi uu geystey qasaaro kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Nin xirnaa jaakadda ka samaysan walxaha qarxa, uu is qarxiyay.

Ninkan, ayaa weeraray beer lagu nasto, laguna ciyaarsiiyo carruurta, iyadoo uu ku dilay in ka badan 69 qof, halka 250 kalana uu ku dhaawacmay, waxaana jira dad qaba dhaawacyo culus.

Saraakiisha Booliska Magaalada Lahore waxay sheegeen in nin naftii hurre ahaa uu isku qarxiyay beertaasi, isla-markaana uu dhibaateeyay dad u badan carruur iyo dumar, oo wax ay galabsadeen aanay jirin.

Saraakiishu waxay sheegeen in dad u badnaa qoysas ay beertaasi ugu dabaaldegayeen munaasabadda ciidda Easter-ka, isla-markaana ay xaalad deg deg ah ku soo rogayn goobaha caafimaadka ee ku yaala Magaaladaasi Lahore.

Dalka Pakistan waxay maanta u ahayd maalin fasax ah, iyadoo dadka laga tirada badan yahay ee masiixiyiinta ay u dabaal degayeen ciidda Easter-ka loo yaqaano.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan ismiidaaminta ah, iyadoo dhanka kalana aanay weli Dowladda Pakistan war rasmi ihi ka soo saarin cidda ka dambeysa weerarkaasi.

Madaxda Caalamka, ayaa waxay durbaba bilaabeen inay si isu midda u cambaareeyaan weerarka tooxatada ah, ee fiidnimadii caawa ka dhacay Lahore..

Lahore Lahore2 Lahore3 Lahore6