Xiddiga Iyo Tababaraha Ku Guuleystay Abaalmarinta Bisha Ee Premier League Oo La Shaaciyay.

0
405

Mauricio-Pochettino-1 (1)

Mauricio Pochettino ayaa loo magacaabay tababaraha ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii Febraayo isagoo lagu abaalmariyay inuu kooxdiisa ku soo daray tartanka horyaalka Premier League.

Spurs ayaa shan dhibcood ka danbeysa kooxda hogaamineysa horyaalka ee Leicester City iyadoo sagaal kulan ay ka harsan tahay horyaalka, waxaana ay badiyeen dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen bishii hore.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa ka badisay Norwich, Watford, Swansea iyo Manchester City, waxaana laga dhaliyay kaliya labo gool mudadaas.

Pochettino ayaa lagu amaanay sida uu u bedelay Spurs taasoo Champions League ka ciyaari karta xilli ciyaareedka danbe, waxaana tababaraha reer Argentina uu dheegay in Spurs ay sidoo kale ku jirto tartanka horyaalka.

Waa abaalmarintii seddexaad ee tababaraha bisha Premier Leaguee e uu ku guuleysto Pochettino.

Fraser-Forster

Dhanka kale Fraser Forster ayaa noqday xiddiga bisha Febraayo ee Premier League ka dib markii uu seddex kulan shabaqa ilaashaday bishii la soo dhaafay.

Goolhayaha Ingariiska oo rajeynaya inuu xagaaga ka qeyb galo Euro 2016 ayaa jabiyay rikoorka Southampton ee waqtiga ugu badan ee ay shabaqa ilaashadeed isagoo aan gool laga dhalinin todoba kulan oo horyaalka ah.