Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Jeesjeesay Chelsea Iyo Saxaafada Ingiriiska “Waxaan Dhashay Anoo Waayeel Ah”

0
1040

Zalatan-464x300

Zlatan Ibrahimovic ayaa ciil ka baxsan garoonka baday jamaahiirta Chelsea iyo dadka ingiriiska isagoo markale hadal jeesjees ah saxaafada la hortagay markii uu xalay Blues kasoo ciribtiray tartanka Uefa Champions league/

Zlatan oo ay saxaafada ingiriiska qaar ku tilmaantay inuu yahay nin duqoobay ama soo dhaafay heerkisii fiicnaa, sidoo kalena uu ciil ka hayay casaankii hore loogu taagay booqahsadiisii ugu danbeysay ee Stamford Bridge ayaa yiri “Waxaa la I dhalay anoo waayeel ah, waxaana dareemayaa inaan imika yarahay, waxaana hada aha wiil da’yar ah oo aad u faraxsan maadaama aan meesha ka saaray Chelsea”.

Isagoo ka hadlayay casaankii sanadkii hore loo taagay iyo sida uu caawa xaalka u noqday wuxuu yiri joogdheeraha ree Sweden “Waa dareen aad uga duwan kii sanadkii hore, ma aha layaab waxa caawa dhacay ee waa guul aan ka gaarnay koox adag”.

Zlatan iyo kooxdiisa ayaa sugi doono isku aadka wareega sideed dhamaadka ee kooxdooda iyo cidii ay ku aadi lahaayeen.