C/raxmaan Faroole oo sheegay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Somaliya, kana hadlay Heshiiskii Gaas uu saxiixay ee 4.5

0
144

timthumb

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ka hadlay heshiiskii Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu ku saxiixay in Doorashada sanadkan dhaceysa lagu saleeyo nidaamka 4.5, xilli Puntland arintaasi ay ka soo horjeeday.

C/raxmaan Faroole oo hooygiisa Magaalada Garowe Saxaafadda kula hadlay, ayaa sheegay qaadashada Puntland ay qaadatay nidaamka 4.5 in uu aad uga xun yahay, balse hada isaga uusan waxba ka qaban karin arintaasi, laakiin uu muujinaayo aragtidiisa ku aadan sida uu kaga xun yahay.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa tilmaamay inuu isagu ka taagan yahay nidaamkaasi go’aankii uu horay uga qaatay ee ahaa inuu ka soo horjeedo.

Wuxuu sheegay in 2012 gaar ahaan Shirkii Garowe 2 heshiis laga gaaray 4.5 inaysan soo noqon, wuxuuna sheegay sidaasi darteedna uu maanta laga bilaabo yahay murashax Madaxwaynaha Somaliya 2016.

“Umadda Somaliyeed waxaan u sheegayaa inaan si daacad ah ugu shaqayn doono nidaamka Federalka hirgalin doono hadii ILAAHAY ila garab galo dadkeedana aan u xulan karo nabadda Somaliyeed sidii loo soo dabaali lahaana ka shaqayn doono sidaan Puntland uga shaqeeyay markaan joogay, hadii ILAAHAY igu simana oo aan ku soo baxo doorasho xaq ah oo lagu kalsoonaan karo oo umadda Somaliyeed iska arki karaan, sidii aan sameeyay 2014 doorashadii ka dhacday Puntland gaarsiin doono dalka Somaliya.” Ayuu yiri Faroole.

Inkastoo Faroole uu ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan qabashada Hogaanka dalka Somaliya sanadkan gudihiisa doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka inuu ku tartamana uu diyaar u yahay, hadana Faroole wuxuu diidan yahay Nidaamka 4.5 oo doorashadaba ay ku saleysan tahay.