C/weli Gaas “4.5 waxaan u qaadanay talada oo ku soo uruurtay saddex arrimood mid dooro

0
567
Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay baahida keentay in Puntland, ay aqbasho in doorashada dalka ka dhaceysa lagu saleeyo hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.Madaxweynaha oo Talaadadii khudbad toos ahayd shacabka reer Puntland uga jeediyay Puntlandtv, ayaa wuxuu sheegay in qaadashadooda 4.5 ay ka dambeysay, markii ay xaajadu ku soo uruurtay saddex arrimood mid dooro.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay saddexaasi qodob, ayuu yiri “Waxaan rabaa inaan idinla wadaago inay Puntland saddex arrimood mid uun doorato in ay taladu ku soo uruurtay. (1) In aan Somaliya ka go’no, taasina waxay ka hor imaaneysaa ujeedadii iyo hadafkii loo dhisay Puntland, wax maslaxad Puntland iyo mid Somaliyeed ay ku jirtana maaha, kala go’ cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dowladnimadii iyo jiritaankii Somaliya.”

“(2) In afarta sano ee soo socoto aan ka harno geedi-socodka doorashooyinka Somaliya, masiirka Puntland-na ay la wareegaan cid aan ehel u ahayn. Sidoo kale arrintani waxay abuuri kartay jahawareer iyo walaahoo siyaasadeed Puntland gudaheeda iyo Somaliya dhexdeedaba. Buuq siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah anagoo ku jirno waqti xasaasi ah wuxuu keeni karay inay wiiqanto midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland.”

“(3) In aan galno heshiis u khalma Puntland, kuna qotoma miisaankeeda siyaasadeed iyo doorkii ay ku laheyd hogaaminta Somaliya.”

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali, ayaa sheegay in Puntland ay qadatay qodobka 3-aad, ka gadaal markii isaga iyo guddigii uu arrintaasi u xil saaray ay isla garteen qaadashada qodobkaasi.

“Aniga iyo guddigii aan arrintan u xil saaray waxaan qaadanay oo aan isla garanay in maslaxadda Puntland iyo Somaliyaba ay ku jirto inaan qaadano qodobka 3-aad.” Ayuu yiri C/weli Maxamed Cali.

Khudbadda Madaxweyne Gaas oo ahayd mid dheer, ayaa waxaa kaaga baxaaya in uu jiray cadaadis wayn oo Puntland kaga yimid dhinaca Beesha Caalamka. Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay Beesha Caalamku taageertay in doorashooyinka lagu saleeyo 4.5.