Duuliye lagu qabtay dalka Suuriya, markii la soo riday diyaaraddii uu la socday (SAWIRRO)

0
829

timthumb (26)

Xoogaga Jabhadda Al Nusra ee ka dagaalama dalka Suuriya, ayaa waxay Talaadadii nolosha ku qabteen duuliye, ka gadaal markii ay gantaal ku soo rideen diyaaraddii uu kaxeynaayay.

Gantaal laga tuuray Magaalada Aleppo, ayaa waxaa lagu soo riday diyaaradan oo aan nooceeda weli la shaacin, waxayna ku burburtay Deegaanka Talat al-Iss oo dhaca Koonfurta Aleppo.

Colonel Khaled Saeed oo ah kabtankii duuliyaha ka ahaa diyaaradaasi, ayaa isagoo nool waxaa gacanta ku dhigay dagaal-yahanada Jabhadda Al Nusra. Al Nusra waxay taabacsan tahay Ururka Al Qaacidda.

Warbaahinta Suuriya, ayaa waxay tebisay in dagaal-yahanada Al Nusra ay Colonel Khaled Saeed ula dhaqaaqeen goob aan la garanayn, balse waxaa loo maleynayaa in loo wado Xarunteeda ugu wayn ee dalkaasi ku leedahay.

Waxaa la isweydiinayaa waxa ay Al Nusra ka yeeli doonto duuliyaha taabacsan Xukuumadda Bashar al-Assad, waxaana macquul ah in ay maxaabiis ku bedelato amaba ay si xun u disho.

Ururka Daacish, ayaa sanadkii hore nolosha ku gubay duuliye u dhashay dalka Jordan, ka dib markii ay soo rideen diyaarad miig ahayd oo duqayn ka waday dalka Suuriya.

Daacish iyo Al Nusra qayb kama ahan xabad joojinta ka dhaqan gashay dalkaasi. Xabad joojintan waxay u dhaxeysaa Dowladda Suuriya iyo mucaaradka qunyar socodka loo arko, iyadoo Al Nusra iyo Daacishba loo arko ururo argagaxiso, oo aan wada hadal lala geli karin.

Syria2 Syria3 Syria4 Syria5