Faah-faahinta Xildhibaan Maanta lagu weeraray Muqdisho.

0
729

Sawir-gaariKooxo hubeysan ayaa maanta meel u dhow Bacadlaha degmada Xamar Weyne waxa ay ku dhaawaceen xildhibaan Maxamed Cali Diheeye oo ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Falkii lagu dhaawacay xildhibaanka ayaa waxaa ku geeryoodey dareewalkii gaarigiisa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

Dadka goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanka uu watay garri nuuca raaxada ah oo lagu hor jaray gaariga ay wateen kooxaha hubeysan.

Ciidmada amaanka iyo maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne ayaa waxa ay soo gaareen goobtii uu dilka ka dhacay.

Afhayeenka maamulka gobolka Basnaadir C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa hey’adaha amaanka iyo dowladda ugu baaqay in ay gacanta ku soo dhigaan ragii dilka geystay.

Xildhibaanka maanta la dhaawacay ee Maxamed Cali Diheeyeayaa dhowaan loo magacaabay xubinimada baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: madkacadeeymedia@gmail.com