Faalnqeynta Kulanka Real Madrid Vs Eliber, Los Blancos Oo Xal U Raadineysa Ceebtii Kasoo Gaartay Volksgawen Arena Habeenkii Arabacada

0
778

Real-Madrid-VS-Eibar-620x285

Real Madrid  ayaa ciyaari doonta kulankaan iyadoo maanka ku heysa in guul ay gaaraan ay kaga saro mari doonaan kooxda kaalinata labaad ku jirta ee Atletico Madrid sidoo kalena ay kaliya afar dhibcood ku soo koobi karaan hogaanka horyaalka oo ay heyso Barcelona oo ciyaareysa saacado danbe oo caawa ah, kulankaan ayaana imaanaya xili ay Wolfsburg kulankii Champions league.

Kulanka: Real Madrid Vs Eliber

Garoonka: Santiago Bernabue

Saacada Geeska Afrika:5:00 galabnimo

Wararka Labada Koox:

Hadii natiijadii EL Classico ay aheyd toodii ugu fiicneyd ee xili ciyaareedkan, tii Wolfsburg ayaa aheyd toodii ugu xumeyd ee ay la kulmeen kadin labo gool oo aan jawaab laheyn loo soo hadiyadeeyay, waxay kulankaan ciyaari doonaan iyagoo ah kooxda guusha ugu cadcad, waxayna kulankaan weyn doonaan adeega xidigahooda kala ah  Sergio Ramos oo casaan loo taagay kulankii Barcelona,  Raphael Varane oo aan wali dhaawac kubka ah kasoo kaban, Karim Benzema  ayaa isna seegi doona kulankaan waxaan la rajeynayaa inuu weerarka buuxin doono midkooda Jese Rodriguez iyo  James Rodriguez oo ka garab ciyaari doona Ronaldo iyo Bale.

Dhanka Elibar waxayn kulankaan soo galayaan iyagoo aan qaab ciyaareed fiican ku jirin, maadaama aysan wax guul ah gaarin todobadii kulan ee u danbeysay ee La Liga laakin waxay wali 10 dhibcood ka sareeyaan boosaska heerka hoose loogu laabto, waxay kulankaan waayi doonaan adeega xidigahooda Jaime Jimenez iyo Borja Ekiza  oo dhaawac kaga maqan

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Real Madrid Casilla; Carvajal, Pepe, Nacho, Arbeloa; Isco, Kroos, Kovavic; Jese, Ronaldo, Mayoral

Eibar: Riesgo; Junca, Pantic, Dos Santos, Capa; Escalante, Garcia; Inui, Jota, Keko; Baston