Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo xaalada ammaan ee Somaliya ku tilmaamay mid jilicsan

0
408

timthumb (4)

Warbixin uu soo saaray Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay  in xaalada ammaan ee Somaliya waqtiga ay tahay mid jilicsan, marka loo eego sida uu yahay ammaanka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan xaalada ammaan ee dalka Somaliya iyo weerarada Shabaabka ay geysanayaan.

Qoraalka ka soo baxay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Golaha ay cambaareynayaan weerarada Al-Shabaab iyo qorashada kooxdaas ee caruurta, ayaga oo ku ammaanay ciidamada Amisom iyo kuwa qaranka Somaliyeed inay yareeyeen halista kooxdan. 

Waxa ay hoosta ka xariiqeen Golaha ammaanka in la sii wado guluf dagaal ee lagula jiro Ururka Shabaab, waxaana loogu baaqay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom inay sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Shabaab, si looga adkaado.

Warbixintan ka soo baxday xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadeysa, xilli ammaanka Magaalada Muqdisho uusan aheyn mid hagaagsan, islamarkaana Ururka Al Shabaab ay geysanayaan weeraro kala duwan.

Afar bil kadib waxaa lagu wadaa dalka inay ka dhacdo doorasho la filaayo in isbedel dalka ay ku keento, mana muuqato ifafaalo wanaagsan oo loogu diyaargaroobaayo Doorashada la filaayo inay dhacdo.

Shabaab ayaa weeraro abaabulan waxa ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, sidoo kalena waxa ay toogasho kula kacaan Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo ciidamada ammaanka.