Gudoomiyaha G/Banaadir: “Xeebta Liido, waa in laga joojiyaa Anshax xumada lagu haayo, Haddii kale…”

0
748

yus_7

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duq Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa laamaha amaanka ee gobolka Banaadir ugu baaqay in ay ka hortagaan anshax xumida ka jirta qeybo ka mid ah Gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xeebta Liido iyo meelo kale oo ka mid ah caasimada muqdisho laga soo sheegayo iney ka jiraan anshax xumo iyo ficilo aan wanaagsaneyn.

Waxaana uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uusan raali ka ahayn in anshax xumo lagu sameeyo Xeebta Liido oo uu sheegay in ay tahay goobo loo soo dalxiis tago.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo cidii lagu arkaa ayagoo anshax xumo ka wada Xeebta Liido iyo Hoteelada Muqdisho.

Hadalkan ayuu gudoomiya gobolka Banaadir waxa uu ka sheegay isagoo ka qeyb galayay xaflad xalay lagu qabtay xarunta aqalka hoose ee Xamar.

 

 

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: madkacadeeymedia@gmail.com