Internetka Hormuud oo hoos u dhac xoogan uu ku yimid iyo Macaamiisha oo ka walaacsan.

0
1349

hormuudlogoIyadoo waqti Gaaban shirkada Hormuud ay bixineyso adeega internet-ka, ayna ku bilowdey Internet xawaare wanaagsan leh ayaa iminka adeegaasi waxaa ku yimid caqabad keentey in xawaaraha internetka uu hoos u dhaco.

Laga soo bilaabo dabayaaqaadii bishii Maarso, waxaa sii yaraanayay Xawaaraha, gaar ahaan dadka isticmaala Computerada oo si weyn ugu dhib qaba.

Internetka Hormuud ayaa Mararka qaar oo is xig xigta hawada ka baxa, xilliyadaasi oo macaamiisha ay ku waashaan wicida taleefanada Hormuud ayay shirkadu dhegeha ka fureysataa, si xitaa macaamiisha ay ugu qanciso in ay ogaadaan haddii ay ciladi jirto in haddii kale.

Dadka u dhuun daloolala arrimaha Internet-ka ayaa sheegay shirkada oo tartan kula jirtey shirkaaado kale oo bixiya adeega Internet-ka ay bixisay in ka badan inta ay qaadi kartey.

Mar sii horeysay ayay ahayd markii Shirkada ay ka go’een qalabka adeega DSL-ka ku shaqeeya SIM CARD oo dadku ay aad ugu qamaameen.

Arrintani waxay ku soo beegmeysaa xilli dhowaan ay magaalada si rasmi ah ugu shaqo bilowdey Shirkad lagu Magacaabo SomNet oo bixisa adeeg Internet 4G ah, Halka Hormuud ay ka bixiso 3G, kuna shaqeynaya qalab yar oo uu ku jiro Sim Card, Watana Beteri, waxayna shirkadani Mataan la tahay Shirkada Internetka Globalsom oo mar ahayd shirkada kaliya ee Internet dalka Ka bixisa, Hormuudna ay xubin ka ahayd, inkastoo mar dambe ay isaga baxdey.

Dhinaca kale, Culeyskan iyo caqabada soo wajahdey Internet-ka Hormuud xilligan waxa ay keeni kartaa in macaamiil badan oo lacagaha dhowr bilood sii hor mariyay ku qamaamaan xafiisyada shirkada.

 

La soco Warbixino arrimahani la Xiriira.

Maxamed Cali Maxamuud (Madka)

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: madkacali@hotmail.com