Odayaasha Baledweyne oo qaadacay shirka Jowhar

0
450

Kulan ay manta ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa odayaasha dhaqanka waxay ku qaadaceen shirkii wasiirka arimaha gudaha soomaaliya uu ka furay magaalada jowhar ee xarunta shabeellaha Dhexe.

dadkii ka qeyb galay kulankii manta ayaa dhamaantood isku raacay in aysan jirin ergo ka tagtay Magaalada Baladweyne oo ka qeyb galay shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe oo dhawan ka furmay wajiga labaad magaalada jowhar

odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo Dowlada Federaalka ayaa ku kala aragti duwan qaabka loo wajahayo dhismaha dowlada Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe iyado dubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ay dowlada Federaalka ay ka dalbadeen in gogasha shirka lagu soo wareejiyo Magalaada Baladweyne basle ila hadda aysan wax jawaab ah ka bixin dowlada Federaalka.

k k1 k3 k4 k5

MARKACADEEY.COM