Puntland “dadka Oromada ah dhibaato ayay ka wadaan deegaanada Puntland”

0
501

oromo

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada deegaanada Puntland ayaa dadka Oramada ku eedeeyay iney dhibaato ka wadaan deegaanada puntland.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadka Oramada ay deegaanadaasi ka wadaan arimo aan diinta u wanaagsaneyn islamarkaana aysan aqbali doonin in falal anshax xumo lagu arko deegaanada Puntland.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa madaxda Puntland ugu baaqay iney arrintaasi wax ka qabtaan oo ay ka hortagaan falalka anshax xumo ee ku soo badanaya deegaanada Puntland.

Waxana uu xusay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hormarinta shacabka deegaanada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa mudooyinkii dambe waxa ay ku howlanaayeen howlgal lagu soo qabanayo dadka Oramada ah iyo dadka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.

Markacadeey.com