Sidee loo xusey 56 guuradii Ciidamad xoogga dalka? SAWIRO

0
471

Maanta waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtey munaasabad loogu dabaal degeyay 56 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April, maanta oo kale.

Munaasabadan Waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mas’uuliyiin ka tirsan labaa gole ee dowladda, hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur galbeed, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo diblomaasiyiin, kaasi oo maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Intii ay socotey Munaasabadan waxaa hakad uu ku yimid socodka dadweynaha, inta badan magaalada Muqdisho, kadib markii wadooyinka la xirey.

SAWIRADA MUNAASABADA HOOS KA DAAWO.

xooga xooga1 xooga2 xooga3 xooga4 xooga5 xooga6 xooga7 xooga8

Xafiis wareedka Markacadeey.com