Ciidamada Itoobiyaanka oo dib uga laabtey Cadaado

0
62

cadaado

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii Itoobiya ee shalay gaaray magaaladaasi ay dib uga laabteen.

Dadka ku nool Magaalada Cadaado ayaa sheegay inay arkayeen gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Itoobiya oo isaga baxaya Magaalada, waxaana ay u jiheysteen dhanka Degmada Dhuusamareeb oo markii horeba ay ka yimaadeen.

Wararka waxa ay sheegayaan sababta ciidamada Itoobiya ay dib uga noqdeen Magaalada Cadaado ay tahay, Wafdi ka socday Dowlad Deegaanka Ismaamulka Somalida Itoobiya oo la filaayay inay tagaan Magaalada Cadaado inay baaqdeen.

Dadka ku nool Magaalada Cadaado ayaa tan iyo shalay hadal haayay ciidamada Itoobiyaanka ah ee gaaray Magaaladaasi, maantana dib uga soo baxay Magaalada.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay wax faah faahin ah ka bixiyaan arintan.

Markacadeey.com