Dhageyso: Gudoomiyaha Garbahaareey oo sheegey in ciidamo Itoobiyaan ah ay jir dileen

0
1228

Gudoomiyaha degmaga Garbahaarey ee gobolka Gedo Nuur Sheekh Maxamed Buraale oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Garbaheerey ay jirdil ugeysteen.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay hanjabaad iyo jirdil isugu daraan shacbka ku nool degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Waxaana uu baaq udiray dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale madaxda maamulka Jubbaland si wax looga qabto ciidamada Itoobiya ee shacabka ku gumaadaya degmada Garbahaarey.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay howlgallo joogto ah ka sameeyaan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in marwalb ay jirdil ugeystaan dadka shacabka ah.

      cod-garbahaarey

Markacadeey.com