Dhegeyso: Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo in la dedejiyo loogu baaqey.

0
759

Odawaa

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ka dalbaday dhinacyada ka qeyb galaya shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe in ay dadejiyaan shirka ayna doortaan hogaanka uu yeelan lahaa maamulka.

Wasiirka ayaa Odayaasha u sheegay in looga bahan yahay in ay si deg deg ah udhameeyaan shirka maadaama uu sheegay maamulka cusub ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe looga fadhiyo in ay ka qeyb qaataan soo xulista xubanaha kaga mid noqon lahaa Aqalka Sare iyo Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Shalay ayay aheyd markii Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa uu gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaana tagitaankiisa lagu macneeyay wasiirka in uu fududeynayo dadejinta shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

      cod-wasiir-odowaa