Dowlada iyo Shabaab oo ku dagaalamey Bakool.

0
105

dag

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in kolonyo ciidamada dowladda Soomaliya oo ka soo baxay deegaanka Rabdhuure kuna sii jeeday degmada Xudur ay dhexda ugaleen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel lagu magacaabo Lagaali oo qiyaastii 25 KM ujirta deegaanka Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab uu dagaal adag halkaasi ku dhexmaray.

Gudoomiyaha deegaanka Rabdhuure Maxamed Kheyr Salaad oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa shegay in ay ka guuleysteen dagaalkii maanta ay la galeen Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa waxa ay maalmahan howlgallo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.