Eden Hazard Oo Sugi Weysan Inuu Ka Horyimaado Man United & Macalinkeeda Cusub Jose Mourinho, Muxuuse Ka Yiri Mustaqbalkiisa Chelsea?

0
650

ede

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Eden Hazard ayaa u sheegay Sky Sports News inuusan sugi karin inuu ka horyimaado Manchester United madaama uu haatan tababare ka noqdo Jose Mourinho.

United ayaa xaqiijisay imaanshiyaha Jose Mourinho maalintii jimcaha iyadoo tababarihii hore ee Chelsea uu ogolaaday heshiis seddex sannadood ah.

Wargeysyada qaarkood ayaa soo jeedinayay khamiistii in Hazard uu doonayo inuu ka tago Stamford Bridge, islamarkaana uu la hadlay tababarihiisa hore si uu ugala midoobo Old Trafford.

Laakiin isagoo jooga xarunta tababarka Belgium ka hor kulankooda saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan Switzerland, 25 jirkaan ayaa soo jeediyay in ajendaha aysan ugu jirin inuu ka tago kooxda Chelsea.Waxa uu u sheegay Sky Sports: “Mourinho waa tababare fantastik ah. Waxaan u rajeynayaa nasiib wacan xilli ciyaareedka soo socda.

“Ma sugi karo, waxaana kaliya doonayaa inaan ka horimaado Manchester United. Waa tababare fiican oo qibrad badan leh. Waxa uu joogaa haatan koox weyn, waxaana uu kaliya dooni doonaa inuu badiyo kulamada”

Isagoo ka hadlayay mustaqbalkiisa Chelsea, waxa uu yiri: “Waan faraxsanahay. Mar walba ayaan faraxsanahay. Waxaan la hadlay Antonio Conte.

“Waxa uu igu yiri nasiib wacan tartanka Euro 2016, waan arki doonaa waxa dhaca ka dib tartanka qaramada Yurub.”

Markii la weydiiyay haddii uu ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisa ugu fiican, waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waan rajeynayaa. Waxaan doonayaa inaan noqdo xiddigaha ugu fiican ee Euro 2016, waxaana rajeynayaa inaan gaarno semi-finalka ama finalka. Waxaan heysanaa tayo badan.”